Marwada Madaxweynaha  Maamo Qamar Cali Cumar ayaa haweenka Soomaaliyeed ugu hambalyeysay munaasabadda 8-da Maarso

Date:

Marwada Madaxweynaha JFS Maamo Qamar Cali Cumar ayaa haweenka Soomaaliyeed ugu hambalyeysay munaasabadda 8-da Maarso oo dunida oo dhan looga dabaal-dego maanta oo kale, iyadoo haweenka ka balan qaaday in door muuqda ay ku yeela doonto sidii ay qoondadooda uga heli lahaayeen hey’adaha kala duwan ee dowladda.

Maamo Qamar Cali Cumar ayaa sheegtay in haweenka Soomaaliyeed ay door muuqda kasoo qaateen hanaanka dowlad-dhiska dalkeenna iyo samata bixinta dadkeenna oo kasoo kabanaya marxaladihii burburka.

Sidoo kale Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Qamar Cali Cumar ayaa ku bogaadisay guud ahaan dumarka Soomaaliyeed inay muujiyaan isku duubni iyo garab istaagga dowladnimada, waxayna xuska Munaasabadda 8-Maarso awgeed ku baraarujineysaa inay sii wadaan dadaalkooda iyo taageerada ay la garab taagan yihiin ciidamada qaranka oo dagaal kula jira kooxaha Khawaarijta ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha SODMA oo Geneva kaga qayb galay madasha caalamiga Yareynta Khataraha iyo Musiibooyinka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka Qaranka Maxamuud Macallin Cabdulle iyo...

Guddoomiyaha jannaale: Cadowga Khawaarijta waan dabar jaraynaa

Ciidamada kala ah Xoogga dalka iyo Sirdoonka qaranka NISA...

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

Xarunta Gargaarka iyo Howlaha Bani’aadantinimada ee Boqor Salmaan oo...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo shacabka ugu hambalyeeyay...