Guddoomiyaha BFS oo dhigiisa dalka masar kala hadlay sidii Masar Soomaaliya ugu caawin karto sugida amniga iyo la dagaalanka kooxaha Argagixisada

Date:

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdigiisa ayaa Xarunta Baarlamaanka Magalada Qaahira kulan laba geesood ah kula yeeshay dhigiisa dalka Masar Mudane Dr. Hanafy El Gebaly.

Kulanka oo muhiim u ah labada baarlamaan ee Soomaaliya iyo Masar ayaa looga wada hadlay xoojinta xirirka dheer ee ka dhaxeeya labada dal iyo baarlamaanadooda.

Sidoo kale kulankaan ayaa la isku af gartay in macaahida Masar ay ka helaan aqoon kororsi xildhibaannada iyo howlwadeennada Golaha Shacabka si loo dhiso xirfada shaqaalaha.

Waxaana sidoo kale kulanka la Isla gartay In la dhiso guddi sxbtinimo labada Baarlamaan ee Soomaliya iyo Masar iyadoo labada Xog-haye la faray ineey Ka shaqeeyaan dhaqan gelinta qodobada la isku afgartay.

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay sidii dowlada Soomaaliya gacan looga siin lahaa sugida amniga iyo  la dagaalanka kooxaha Argagixisada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo kula la qaatay Duqa Magaalada Seattle ee dalka Mareykanka

Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho Mudane Amb. Maxamed Cali...

Wasiirka Warfaafinta iyo mas’uuliyiin kale oo booqday goob dalxiis oo ku taalla degmada Kaxda

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax-dhigay Dib-u-dhiska Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo magacaabay Golaha Wasiirrada maamulkaas

Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan...