Duqa Muqdisho oo sheegay in xabsiga la dhigay ciidankii rasaasta ku furay Guddoomiyaha Yaaqshiid

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale(Madaale) ayaa sheegay in xabsiga la dhigay oo sharciga la horkeeni doono ciidankii ku qornaa Isgooska Siinaay ee rasaasta ku furay Guddoomiyaha Degmada Yaaqshiid Sulaymaan Faarax oo dhaawac soo gaaray.

Mudane, Madaale oo warbaahinta kula hadlay halkii ay shaqaaqadu ka dhacday ee isgoyska Siinaay ayaa intaa ku daray in xubnaha ay u qabteen falka sababay dhimashada iyo dhaawaca ay ku wareejiyeen laamihii u xilsaarnaa ee baarista iyagana ay ka war sugayaan.

Guddoomiyaha oo ay wehliyeen Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir, Taliyeyaasha Qeybta Guud ee Booliska, Nabadsugidda iyo Guddoomiyeyaal Degmo ayaa tacsi u diray shacabkii iyo ciidankii ku waxyeelloobay is rasaasayntii ka dhacday halkaasi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Xoogga Dalka oo fashiliyay weerar Khawaarijta kusoo qadeen Wargaadhi.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo ciidamada deegaanka, ayaa fashiliyey...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing.

1- The Federal Republic of Somalia expressed thankfulness to...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday.

1- Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa mahadnaq ballaaran u jeedisay...

Ciidanka Qaranka oo 29 Khawaarij ah ku dileen howlgal ay ka fuliyeen Shabeellaha Dhexe.

Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa xalay...