Duqa Muqdisho oo sheegay in xabsiga la dhigay ciidankii rasaasta ku furay Guddoomiyaha Yaaqshiid

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale(Madaale) ayaa sheegay in xabsiga la dhigay oo sharciga la horkeeni doono ciidankii ku qornaa Isgooska Siinaay ee rasaasta ku furay Guddoomiyaha Degmada Yaaqshiid Sulaymaan Faarax oo dhaawac soo gaaray.

Mudane, Madaale oo warbaahinta kula hadlay halkii ay shaqaaqadu ka dhacday ee isgoyska Siinaay ayaa intaa ku daray in xubnaha ay u qabteen falka sababay dhimashada iyo dhaawaca ay ku wareejiyeen laamihii u xilsaarnaa ee baarista iyagana ay ka war sugayaan.

Guddoomiyaha oo ay wehliyeen Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir, Taliyeyaasha Qeybta Guud ee Booliska, Nabadsugidda iyo Guddoomiyeyaal Degmo ayaa tacsi u diray shacabkii iyo ciidankii ku waxyeelloobay is rasaasayntii ka dhacday halkaasi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka oo ka furmay Muqdisho

-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah,...

Golaha Warbaahinta Soomaaliya oo Wada-hadallo la Yeeshay Golaha Saxaafadda Koonfur Afrika

-Golaha Warbaahinta Soomaaliya ayaa magaalada Johannesburg wada-hadallo kula yeeshay...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...