Ukraine: Ma jirto calaamad muujinaysa in Shiinuha uu Hub siiyo Ruushka

Date:

Madaxa sirdoonka Ukraine Kirillo Budanov, ayaa ku sheegay wareysi uu siiyay Warbaahinta, in aaysan jirin wax muujinaya in Dowladda Shiinuha ay dooneyso inay Hub siiso dhigeeda Ruushka.

Kirillo Budanov, ayaa sida muuqato Wareysigan ugu jawaabayay hadaladii dhawaan ka soo baxay Mareykanka ee ku saabsanaa in Shiinuhu uu doonayo in uu hub siiyo ciidamada Ruushka, si ay ugu kaashadaan duulaanka Ukraine.

Wareysi uu siiyay Warbaahinta Mareykanka 25-kii bishan, ayuu Kirillo Budanov, ku yiri “Waqtigan xaadirka ah, uma maleynayo in Shiinaha uu aqbali doono in Ruushaka uu siiyo Hub, si uu ugu kaashado dagaalka nagala dhaxeeya.”

Wareysiga lala yeeshay Kirillo, ayaa yimid kadib markii Agaasimaha CIA Mareykanka William Burns, fiidnimadii Axaddii, uu wareysi siiyay warbaahinta CBS, kaasi oo uu ku sheegay in Shiinaha uu Ruushka ugu deeqaya Hub halis ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Hindise Sharciyeedka Dambiyada Saybarka Soomaaliya

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Shirweynaha dhallinyarada Soomaaliyeed ee Isbeddelka Cimilada oo ka furmay Muqdisho

Shirweynaha Dhallinyarada Soomaaliyeed ee Isbeddelka Cimilada 2025 ayaa si...

Madaxweynaha JFS oo ka qeyb-galay casho-sharaf uu u sameeyay Madaxweynaha Galmudug

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo...

Madaxweynaha JFS oo xarigga ka jaray Xarummo muhiim u ah Galmudug 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...