Ra’iisul Wasaare Xamse oo Maanta Shir guddoomiyey kulan isuduwayaasha mashaariicda kala duwan ee dalka

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa galabta shir guddoomiyey kulanka isuduwayaasha mashaariicda kala duwan ee dalka ka socda, si loo dar-dargaliyo howlaha horutabinta u leh Xukuumadda #DanQaran iyo adeegyadda dowladda ee sannadka 2023.

Shirka ayaa waxa lagu soo bandhigay warbixinta waxqabadyada xukuumadda ee dhinacyada mashaariicda iyo horumarinta arrimaha bulshada gaar ahaan barnaamijka xasillinta deegaannada laga xoreeyey Khawaariijta oo ay hada ka socoto dib u soo noolaynta adeegyadii aassaasiga ahaa ee bulshada, isla markaana sanadkan qorshuhu yahay in si dhamaystiran u hirgalaan mashaariicdaasi.

 

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa ku bogaadiyey xiriiriyaasha iyo iskuduwayaasha mashaariicaha kala duwan shaqooyinkii ay soo qabteen, isagoo tilmaamay sanadkana looga fadhiyo in ay hir galiyaan mashaariico intii hore ka badan oo dhinaca arrimaha bulshada gaar ahaan deegaanada laga xoreeyey Khawaariijta oo dadka deegaannada ku dhaqan la tuso in dowladnimadoodi u soo laabatay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha shacabka oo la magacaabay

Guddoomiyaha Kmg ah ahna Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha...

Hoggaamiyaha K/Galbeed oo xafiiskiisa ku qaabilay saraakiil uu hoggaaminayo Taliyaha CXD

Hogaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo magacaabay Afhayeenka Wasaaradda

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa Laba-Xiddigle...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo gaaray magaalada Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo...