Guddoomiye Sheekh Aadan madoobe oo Gaaray magaalada Baqdaad ee caasimada dalka Ciraaq

Date:

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa xalay  gaaray magaalada Baqdaad ee caasimada dalka Ciraaq,waxaana garoonka diyaaradaha Baqdaad ku soo dhaweeyay danjiraha Soomaaliya ee Ciraaq Amb. Liibaan Sheekh Maxamuud (Maalinguur).

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe iyo wafdigiisa oo dalkaasi uga qeyb galaya meertada 34-aad ee Midowga Baarlamaannada Carabta ayaa loo gudbiyey hoyga martida waxaana ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha Midowga Baarlamaanka Carabta ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Ciraaq, Mudane Muhamed Al-Halbousi.

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa dhigiisa uga mahadceliyay soo dhoweynta diiran ee loo sameeyay isaga iyo wafdigiisa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxda Warfaafinta Hirshabeelle oo tacsi u diray Agaasimaha Guud ee Warfaafinta

Masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta Dowlad-Goboleedka Hirshabeelle, oo ay hormuud ka...

Shiinaha oo si adag uga soo horjeestay damaca Israa’iil ee Somaliland

Dowladda Shiinaha ayaa maanta oo Isniin ah ku biirtay...

Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka

In ka badan 21 dal iyo Ururo ah heer...

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo xalay ka dhacay Muqdisho

Banaanbax ka dhan ah xadgudubka ay Israa’iil ku sameysay...