๐—š๐—ผ๐—น๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—ฏ๐—ผ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ถ๐˜†๐—ฎ๐˜† ๐—ด๐˜‚๐˜‚๐—น๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—น๐—ฎ๐—ด๐—ฎ ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜† ๐—ฑ๐—ฎ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ธ๐—ฎ ๐—ž๐—ต๐—ฎ๐˜„๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ถ๐—ถ๐—ท๐˜๐—ฎ

Date:

Muqdisho, Feberaayo 23, 2023 — Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre oo guddoomiyey Shirka Todobaadalaha ah ee Golaha Xukuumadda oo si qoto dheer looga hadlay xaaladda guud ee amniga dalka iyo guulihii ugu danbeeyey ee laga gaarayย  dagaalka lagula jiro Khawaarijta.

Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga ayaa Golaha warbixin ka siiyey howlgallada socda iyo goobihii ugu danbeeyey ee laga xoreeyey argagixisada. Iyadoo Goluhu tacsi u direy ehellada dadkii ku dhintay weerarkii ay Khawaarijtu Muqdisho ka geysteen 21-kii bishan.

Golaha ayaa bogaadiyey guulaha laga gaaray dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta oo jab xooggan ay gaarsiiyeen Ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka, gacantana lagu dhigay hub iyo deegaanno cusub oo ay Khawaarijtu ku sugnaayeen.

Sidoo kale, Guddiga Qaran ee Gurmadka Dhulgariirka Turkiga ayaa golaha warbixin ka siiyey howlaha gurmad ee Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay kaga qeyb-qaadanayaan Gurmadka walaalaha Turkiga ee masiibadu ay ku habsatay.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa Golaha Wasiirrada la wadaagay barnaamijka xasilinta deegaannada la xoreeyey, isticmaalka nidaamka guud ee dowliga ah ee hay’adaha caalamiga ah, barnaamijka deyn cafinta iyo xaaladda dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku xiran xabsiyo ku yaalla dalka Niger.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha SoDMA oo uga warbixiyay Madaxda Qaranka wax-qabadka hayโ€™adda

Guddoomiyaha hayโ€™adda maaraynta musiibooyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle,...

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa ” Guulaha la gaaray waxaa saldhig u ah sharuucda dalka oo la hagaajiyay”.

Xukuumadda DanQaran ayaa xalay bulshada Soomaaliyeed u soo bandhigtay...

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay bandhigga wax-qabadka Xukuumadda Dan-Qaranย 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Qaxootiga oo kulan la qaatay Madaxa Afooyinka ee Midowga Yurub

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka, Axmed Xuseen Cilmi,...