Ergayga Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Bani aadanimada oo ka qeyb galay Madasha Caalamiga ah ee Gargaarka Bani’aadannimada ee Riyad

Date:

Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda u qaabilsan arrimaha Bani aadanimada Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame ayaa Magaalada Riyad ee dalka sacuudiga uga qeyb galay Madasha Caalamiga ah ee Gargaarka Bani’aadannimada ee Riyad.

Madashan oo ay dawladda Sacuudiga qabanqaabisay ayuu Khudbad ka jeediyay Ergaygu isagoo ka hadlay muhiimadda ay leedahay in wax laga beddelo hanaanka gargaarka bani’aadaannimo ee Soomaaliya.

“Waxaan ka hadlay muhiimadda ay leedahay In laga gudbo gurmadka degdegga ah ee loo jihaysto mashaariicda wax ku oolka ah ee dhisaysa adkaysiga bulshada, soo kabashada iyo horumarka si looga gudbo ku tiirsanaanta gargaarka bani’aadanimo” ayuu yiri Mr Warsame.

Isaoo sii hadlaya ayuu yiri Ergaygu” In Soomaaliya loo maalgeliyo sidii ay khayraadka dalkeeda kaga faa’iidaysan lahayd, ugana guulaysan lahayd argagexisada iyo is-beddel ka cimilada ayaan sidoo kale kaga hadlay Khudbaddeyda”.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan.

Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur...

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka”.

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS Xasan Macallin Maxamuud oo...

Guddiga Doorashooyinka oo ku shaaciyay liiska musharaxiinta ee golaha deegaanka.

Guddigga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha.isagoo gudanaya...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Tripoli, 11  December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...