Ergayga Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Bani aadanimada oo ka qeyb galay Madasha Caalamiga ah ee Gargaarka Bani’aadannimada ee Riyad

Date:

Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda u qaabilsan arrimaha Bani aadanimada Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame ayaa Magaalada Riyad ee dalka sacuudiga uga qeyb galay Madasha Caalamiga ah ee Gargaarka Bani’aadannimada ee Riyad.

Madashan oo ay dawladda Sacuudiga qabanqaabisay ayuu Khudbad ka jeediyay Ergaygu isagoo ka hadlay muhiimadda ay leedahay in wax laga beddelo hanaanka gargaarka bani’aadaannimo ee Soomaaliya.

“Waxaan ka hadlay muhiimadda ay leedahay In laga gudbo gurmadka degdegga ah ee loo jihaysto mashaariicda wax ku oolka ah ee dhisaysa adkaysiga bulshada, soo kabashada iyo horumarka si looga gudbo ku tiirsanaanta gargaarka bani’aadanimo” ayuu yiri Mr Warsame.

Isaoo sii hadlaya ayuu yiri Ergaygu” In Soomaaliya loo maalgeliyo sidii ay khayraadka dalkeeda kaga faa’iidaysan lahayd, ugana guulaysan lahayd argagexisada iyo is-beddel ka cimilada ayaan sidoo kale kaga hadlay Khudbaddeyda”.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo isbeddel ku sameeyay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Dowladda

Muqdisho , 1-da April , 2026 : Ra’iisul Wasaaraha...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Baydhabo kulan kula qaatay Mas’uuliyiinta Wasaaradaha KGS 

Baydhabo, Soomaaliya – 1-da Abriil, 2026: Guddoomiyaha Golaha Shacabka...

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray Waddada Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Xasan Maxamed...

Guddoomiyaha G/Shacabka BJFS oo la kulmay Saraakiishii isku furay Muqdisho iyo Baydhabo

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...