Ciidanka Xoogga dalka oo dilay maleeshiyaad ka tirsanaa Khawaarijta

Date:

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 83-aad, guutada 14-ka October ee fadhigooda yahay deegaanka Jannaale ee Gobolka Shabeellada hoose, ayaa xalay ku dilay Afar xubnood oo ka mid ahaa maleeshiyaadka khawaarijta.

Howlagalka ayaa dhacay kadib markii ay Ciidanka Xoogga dalka heleen xog ku aaddan koox ka tirsan khawaarijta oo isku abaabulaya goob ku dhow degaanka Jannaale si ay weerar gaadmo ah ugu qaadaan fariisimada Ciidanka xoogga ay ku leeyahiin halkaas.

Taliyaha guutada 14-ka October ee Xoogga dalka Gaashaanle dhexe, Nuur Maxamed Gaabow “Nuur Fareey” ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in Khawaarijta dagaalkan looga dilay Afar xubnood, sidoo kalena laga furtay saanadii ay ku hawlgelayeen.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

1-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo xiray Shirweynaha Qaran...

Taliyaha Booliiska oo xariga ka jaray Dugsiga Qur’aanka ee Carruurta Agoonta

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi...

Hantidhowraha Guud ee Qaranka oo ka qeybgalay Barnaamijka Hindisaha Xirfadda Hal-Abuurka Sare

Hantidhowraha Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Abukaate Axmed Ciise...

Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka oo yeeshay kulankoodii Toddobaadlaha ahaa

Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka oo yeeshay kulankoodii...