Ciidanka Xoogga dalka oo dilay maleeshiyaad ka tirsanaa Khawaarijta

Date:

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 83-aad, guutada 14-ka October ee fadhigooda yahay deegaanka Jannaale ee Gobolka Shabeellada hoose, ayaa xalay ku dilay Afar xubnood oo ka mid ahaa maleeshiyaadka khawaarijta.

Howlagalka ayaa dhacay kadib markii ay Ciidanka Xoogga dalka heleen xog ku aaddan koox ka tirsan khawaarijta oo isku abaabulaya goob ku dhow degaanka Jannaale si ay weerar gaadmo ah ugu qaadaan fariisimada Ciidanka xoogga ay ku leeyahiin halkaas.

Taliyaha guutada 14-ka October ee Xoogga dalka Gaashaanle dhexe, Nuur Maxamed Gaabow “Nuur Fareey” ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in Khawaarijta dagaalkan looga dilay Afar xubnood, sidoo kalena laga furtay saanadii ay ku hawlgelayeen.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka arrimaha dibadda oo qaabilay Danjiraha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Jabuuti

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Wasaaradda arimaha dibadda JFS oo digniin ka soo saartay warar been abuur ah

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Maaliyadda oo kulan la qaatay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Iimaan...