Xukuumadda Washington oo eedaysay Golaha Ammaanka

Date:

Mareykanka ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ku eedeeyay waxqabad la’aan, ka dib markii Kuuriyada Waqooyi ay tijaabisay Gantaallo ay dhowaan farsameeysay.

Safiirka Maraykanka ee Qaramada Midoobay Linda Thomas, ayaa ku andacootay in Kuuriyada Waqooyi ay tijaaboisay Gantaallo aan horay loo arag, taasi oo ay sheegtay in Golaha Ammaanka, marnaba aanay ka hadlin.

Kuuriyada Waqooyi ayaa maalmihii la soo dhaafay sameeysay saddex tijaabo dhanka gantaallada halista ah, taasi oo ka careysiisay Mareykanka iyo xulufadiisa.

“Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan dowladaha xubnaha ka ah Qaramada Midoobay inay nagu soo biiraan oo ay cambaareyaan dhaqanka mas’uuliyad darrada ah ee ay ku kaceyso Kuuriyada Waqooyi,” ayaa lagu yiri bayaanka ka soo baxay Xafiiska Safiirka Maraykanka ee Qaramada Midoobay.

18-kii bishan ayay Kuuriyada Waqooyi fulisay dhoolatus ay ku riday tiro kamid ah Gantaallada ballisti-ga ah ee isaga kala goosha Qaaradaha, iyada oo sheegtay inay muujinayso awooddeeda ay ugu hortageysa weerarrada Nukliyeer.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Masuuliyiin ka mid ah Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka...

Soomaaliya oo daneyneysa kordhinta qoondada Xujeyda Xajka 𝟭𝟰𝟰𝟴𝗛/𝟮𝟬𝟮6

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha islaamka mudane...

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Muqdisho mar dambe ma mudna sumcad dilka dambe (WARBIXIN)

Wargeyska caanka ah ee The Economist ee ka soo...