Xukuumadda Washington oo eedaysay Golaha Ammaanka

Date:

Mareykanka ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ku eedeeyay waxqabad la’aan, ka dib markii Kuuriyada Waqooyi ay tijaabisay Gantaallo ay dhowaan farsameeysay.

Safiirka Maraykanka ee Qaramada Midoobay Linda Thomas, ayaa ku andacootay in Kuuriyada Waqooyi ay tijaaboisay Gantaallo aan horay loo arag, taasi oo ay sheegtay in Golaha Ammaanka, marnaba aanay ka hadlin.

Kuuriyada Waqooyi ayaa maalmihii la soo dhaafay sameeysay saddex tijaabo dhanka gantaallada halista ah, taasi oo ka careysiisay Mareykanka iyo xulufadiisa.

“Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan dowladaha xubnaha ka ah Qaramada Midoobay inay nagu soo biiraan oo ay cambaareyaan dhaqanka mas’uuliyad darrada ah ee ay ku kaceyso Kuuriyada Waqooyi,” ayaa lagu yiri bayaanka ka soo baxay Xafiiska Safiirka Maraykanka ee Qaramada Midoobay.

18-kii bishan ayay Kuuriyada Waqooyi fulisay dhoolatus ay ku riday tiro kamid ah Gantaallada ballisti-ga ah ee isaga kala goosha Qaaradaha, iyada oo sheegtay inay muujinayso awooddeeda ay ugu hortageysa weerarrada Nukliyeer.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya oo Nairobi kula kulmay dhiggiisa Kenya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Howlgalka qorshaysan oo lagu laayay Khawaarijta oo ka dhacay degaanka Deynuunaay G.Baay

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed), gaar...

Ciidamada Qalabka Sida iyo Saaxiibada AFRICOM oo duqeymo ka fuliyeen Aadan Yabaal 

Xalay fiidkii, waxaa degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha...

Madaxweynaha JFS oo soo xiray Shirweynaha Qaran ee Xuquuqul Insaanka Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...