Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo maanta guddoomiyey Kulan ay yesheen Golaha Shcabka

Date:

Muqdisho, Febraayo ,20,2023: Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe ayaa shir guddoomiyay kalfadhiga labaad kulankiisa 21-aad oo ajandihiisu ahaa dhaarinta Xildhibaan Xasan Hurre Ugaas, akhrinta koowaad ee Hindisa Sharciyeedka Dhowrista Xogta, akhrinta koowaad ee Hindise Sharciyeedka Maareynta Deegaanka iyo akhrinta koowaad ee Sharciga la dagaallanka Argagaxisada. Sidoo kale qeybinta warbixinta akhrinta 2-aad ee Hindise Sharciyeedka Aqoonsiga iyo Diiwaangalinta Dadweynaha iyo Hindisa Sharciyeedka Socdaalka.

Xildhibaannada Golaha Shacabka BJFS ayaa ka doodaday Hindise Sharciyeedka Dhowrista Xogta oo ay soo gudbisay Xukuumadda. Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolajiyadda XFS Mudane Jaamac Xasan Khaliif ayaa sheegay in muhiim ay tahay ilaalinta iyo keydinta xogta qaranka loona baahan yahay in qorshe cad loo yeelo keydinta xogta muwaadinka iyo tan dowladda.

Wasiirka Wasaaradda Deeganka iyo Isbedelka Cimilada XFS Marwo Khadiija Maxamed Al Makhdzoumi ayaa xildhibaannadda Golaha Shacabka  hortiisa ka aqrisay Hindisa Sharciyeedka Maareynta Deegaanka oo ay soo gudbisay Wasaaradda Degaanka, iyadoo sheegtay in sharcigan uu ahmiyad gaar ah uu siinayo maareeynta horumarinta iyo ilaalinta deegaanka ku teedsan dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirru Dowlaha Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xil. Maxamed Cali Xagaa ayaa Xildhibaannadda Golaha Shacabka u akhriyay Cutubyo ka kooban  Sharciga la dagaallanka Argagaxisada, kaas oo uu wasiirku sheegay hadii la meelmariyo uu noqon doono sharci soo afjaraayo xukunka argagixisada iyo waxkasta oo ku lug leh falalka argagaxisinimo, waxaana xildhibaannadda qaar ay soo jeediyeen in lagu saleeyo Diinta Islaamka magaca sharcigana laga dhigo (Sharciga Argagixisada iyo La Dagaallanka Fikirka Xagjirka).

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo soo xiray kulanka maanta ayaa sheegay in dooda dib loo dhigo si laisku soo laabto kulamada kale laguna dhameystiro dooda Sharciga La Dagaallanka Argagaxisada iyo sharuucda kale ee Golaha la horkeenay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...