Guddoomiye Ku-Xigeenka Labaad Ee Golaha Shacabka BJFS Mudane.Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa Shir Guddoomiyay Kalfadhiga 2-aad Kulankiisa 20-aad ee Golaha Shacabka BJFS

Date:

Guddoomiye Ku-Xigeenka Labaad Ee Golaha Shacabka BJFS Mudane.Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa Shir Guddoomiyay Kalfadhiga 2-aad Kulankiisa 20-aad ee Golaha Shacabka BJFS Oo Ajandihiisu ahaa;

1)Akhrinta 3-aad iyo U codeynta Hindise Sharciyeedka Nidaamka Maaliyadeed ee kheyraadka Dhulka Hoostiisa.
2)Akhrinta 3-aad iyo U codeynta Hindise Sharciyeedka Hay’adda Socdaalka iyo jinsiyadda Soomaaliyeed.
3)Akhrinta 1aad Hindise Sharciyeedka Dhowrista Maalgashadayaasha iyo Maalgashiga.
4)Akhrinta 1aad Handise Sharciyeedka
Socdaalka.
5)Qeybinta Hindise Sharciyeedyada Kala ah
A)Dhowrista Xogta
B)Maareynta Deegaanka

Guddoomiye Ku-Xigeenka Labaad Ee Golaha Shacabka BJFS Mudane.Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa xildhibaanada u sheegay in latashiyo aysoo sameeyeen guddoomiyaha Golaha shacbaka mudane Sheikh aadan maxamed nuur sheikh aadan madoowe Ayna isku soo Afgarteen in gurmadka walaalaheen turkiga aan qeyb ka noqono maaddaama hay’adaha kale ee dowladda mid mid ugu istaageen arrintaas xildhibaanada ayaana soodhaweeyay soo jeedinta Guddoomiyaha waxa ayna sheegeen in codlagiliyo waxana Haa u codeysay150 xildhibaan ee maanta soo xaadirtay Guddoomiyaha ayaana sheegay in %20 Gunada xildhibaanada ee bishaan loojari doono gurmadka walaalaheena turkiga.

Intaasi kadib Guddoomiye Ku-Xigeenka Labaad Ee Golaha Shacabka BJFS Mudane.Cabdullaahi Cumar Abshirow oo shir guddoominayay kulnka maanta ayaa cod giliyay labada Sharci ee kala ah Hindise Sharciyeedka Nidaamka Maaliyadeed ee kheyraadka Dhulka Hoostiisa.iyo Hindise Sharciyeedka Hay’adda Socdaalka iyo jinsiyadda Soomaaliyeed Ugu horeeyn waxaa cod lagiliyay hindise sharciyeedka Nidaamka Maaliyadeed ee kheyraadka dhulka Hoostiisa waxaana haa ugu codeysay 148 xildhibaan waxaa diiday 2 xildhibaan wax ka aamusiyna majiro Dhanka kale waxaa cod lagiliyay Hindise Sharciyeedka Hay’adda Socdaalka iyo jinsiyadda Soomaaliyeed waxaa haa ugu codeeyay 149 xildhibaan waxaana diiday 1 xildhibaan wax ka aamusiyna majiro
Intaasi kadib guddoomiyaha ayaa sheegay in ay ansax yahiin labdaan sharci ee kala ah Hindise Sharciyeedka Nidaamka Maaliyadeed ee kheyraadka Dhulka Hoostiisa iyo Hindise Sharciyeedka Hay’adda Socdaalka iyo jinsiyadda Soomaaliyeed.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS Xil. Maxamuud Cabdiraxmaan ‘Beenabeene’ ayaa Golaha ka hor akhriyay Hindise Sharciyeedka Dhowrista Maalgashadayaasha iyo Maalgashiga sidoo kale Wasiir-Dowlaha Wasaaradda Amniga Gudaha XFS Xil. Maxamed Cali Xagaa ayaa Golaha ka hor akhriyay Handise Sharciyeedka Socdaalka.

Ugu danbeyntii, Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka BJFS Mudane.Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa soo xiray kulanka maanta Asigoona faray kusimaha Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka BJFS Ahana Xoghaye ku xigeenka Mudane.Maxamed cabdulahi cabdi(ciyow) in Guddiyada Arrimaha Gudaha & Amniga iyo Guddiga Dhaqalaha Ganacsiga Warshadaha iyo Maalgashiga ee Golaha Shacabka BJFS u ku wareejiyo labada Hindise Sharciyeed,

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka...

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo heshiisyo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Shirweynaha Sannadlaha ah ee GANHRI oo si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay Geneva

Shirweynaha sanadlaha ah ee Ururrada Xuquuqul Insaanka caalamka ee...