Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga XFS oo kulamo iyo Shirar kala gooni gooni ah kawada Dalka Talyaaniga

Date:

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Ahmed Hassan Aaden ayaa magaalada Roma ee dalka Talyaaniga kula kulmay madaxda Iskaashatada Kaluumeysatada ee Federpesca, ganacsatada hoggaamisa shirkadaha ugu waaweyn dalka Talyaaniga iyo hay’adaha daneeya arrimaha kalluumeysiga.

Wasiirka ayaa uga sheegay sida uu tariikh fog u leeyahay xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Talyaaniga waxaana uu u sheegay in ay u furan yihiin in ay fursado maalgashi ku sameeystaan dalka taas oo fursad dhaqaale u noqon karta bulshada Soomaaliyeed iyo shirkadaha maalgashiga ku sameeya.

Ugu dambeyn wasiirka ayaa madaxda Iskaashatada Kaluumeysatada ee Federpesca uga mahadceliyey dedaalka sida ay u daneynayaan in ay maalgashi ku sameystaan Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Caafimaadka oo ka qeybgalay shirweynaha wax ka qabashada cudurada aan faafin

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Warfaafinta oo Wasaaradda ku soo dhaweeyay Ku-simaha Safiirka Dowladda Liibiya u jooga Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Jamhuuriyadda...

Baaq-nabadeed oo laga soo saaray xaaladda Aricadeeye

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda...

Soomaaliya oo garab istaag u muujineysa Dowladda Qatar

War-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa garab...