Kooxda Taliban-ta Pakistan oo sheegatay weerar lagu qaaday xarunta booliska Karachi

Date:

Koox dabley ah oo ku hubeysan hubka darandooriga u dhaca iyo bambooyin ayaa weerar ku qaaday xarunta booliska ee magaalada Karachi ee ugu weyn dalka Pakistan fiidnimadii Jimcaha. Goobta weerarku ka dhacay ayaa laga maqlay is-rasaasayn xooggan oo saacado qaadatay, taas oo dhex martay kooxda weerarka soo qaaday iyo ciidamada ammaanka, waxaana halkaas ku dhintay ugu yaraan afar qof.

Tehrik-i-Taliban Pakistan, oo loo yaqaan Talibanta Pakistan, ayaa sheegatay masuuliyadda weerarka, iyagoo ku tilmaamay inuu ahaa “hawlgal is-miidaamin ah” waxayna ballan qaadday kooxdaasi inay faahfaahin dheeraad bixin doonto dhawaan.

Afhayeen u hadlay maamulka gobolka ayaa sheegay in saddex ka tirsan ciidamada booliska iyo hal askari oo ah ciidamada sida gaarka ah u tababaran, inay ka mid ahaayeen dadka ku dhintay weerarka. Murtaza Wahab Siddiqui ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay in 19 qof ay ku dhaawacmeen, isaga oo sheegay in mid ka mid ah ay xaaladdiisu liidato.

Saraakiisha booliiska ayaa sheegay in kooxda weerarka soo qaadya inay ahaayeen 8 illaa 10 qof, kuwaas oo watay baabuur, sidoo kalena ku tuuray bambooyinka gacanta, markii ay marayeen irida hore ee xarunta booliska.

Ka dib markii la dilay saddex ka mida kooxda weerarka soo qaaday ayaa keentay in go’doomintu ay soo afjaranto.

Si kastaba ha ahaatee lama oga, halka ay ku dambeeyaan intii kale ee maleeshiyada weerarka soo qaaday, inkasta oo ay jiraan xubno isqarxiyey intii weerarku socday.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Xasan Sheekh oo hambalyo u diray Madaxweynaha la doortay ee Somaliland 

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Ra’iisul Wasaare Xamse oo u hambalyeeyay Madaxweynaha cusub ee Somaliland 

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre,...

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo lagu soo dhaweeyay Caasimadda Beijing ee dalkaas

Safiirka dowladda Soomaaliya u fariisan doona dalka Shiinaha danjire...

Cabdiraxmaan Cirro oo ku soo baxay doorashadii ka dhacday Somaliland ee Madaxweynaha 

Guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa  ku dhawaaqay in Cabdiraxmaan Maxamed...