Agaasimaha STNV oo kulan shaqo u tagay dalka finland

Date:

Agaasimaha Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed Sharma’arke Maxamed Warsame oo ku sugan dalka Finland ayaa kulan gaar ah la qaatay Masuuliyiin ka tirsan wasaaradda Arrimaha dibadda dowladda dalkaas,iyadoo kulankaas looga hadlay iskaashiga labada dowladood.

Agaasimaha ayaa Masuuliyiinta wasaaradda Arrimaha dibadda Finland warbixin ka siiyay guulaha dowladda Soomaaliya ka gaartay la dagaallanka Khawaarijta si gaar ah dhanka Warbaahinta.

Sidoo kale Agaasime Sharmake ayaa kulan la qaatay masuuliyiinta Telefshinka qaranka wadanka Finland, waxa uuna uga waramay hormarka warbaahinta qaranka iyo dadaalka loogu jiro sidii bulshada Soomaaliyeed loogu shaqeyn lahaa.

Agaasimaha ayaa kormeer ku maray qeybaha uu ka kooban yahay Telefishinka qaranka Finland waxa uuna Yle uga mahad celiyay wadashaqeynta labada warbaahin ee SNTV iyo Yle.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan doceed la qaatay Dhiggisa Seerbiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Dr.Cabdinaasir Axmed Ibraahim, Guddoomiye Ku-xigeenkii Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga oo ku geeriyooday dalka Hindiya

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS waxay...

Madaxweyne Xasan Sh. oo khudbad ka jeediyay shirka Dalalka aan Isbaheysiga aheyn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...