Madaxweynaha Hiirshabelle oo ka hadlay dil xalay ka dhacay Magaalada Jowhar

Date:

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hiirshabelle   Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa ka tacsiyeeyay geeridii naxtinta lahayd ee ku timid Alle ha u Naxariistee Nabadoon Cabdiraxmaan Jimcaale Agoon oo xalay  koox arxanlaaweyaal ah ay ku dileen Magaalada Jowhar oo caasimad u ah Maamulkaas.

Madaxweynaha ayaa tilamaamay in Allaha u Naxariistee Nabaddoon Cabdiraxmaan uu kaalin mug leh kasoo qaatay Dowlad Dhiskii Hirshabeelle kana soo shaqeeyay nabad ku wada noolaanshaha Bulshada iyo Midnimada Ummadda.

Madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Marxuumka Alle uga baryay in hoygiisa uu ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskii qaraabadii iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirweynaha 3-aad ee anshaxa garaadka macmalka ah

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda, Mudane Axmed Cusmaan...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya 1- Madaxweyne Xasan Sheekh...

Shirka Diiwaan-hayeyaasha Midowga Afrika oo lagu soo xiray magaalada Malabo

Waxaa Magaalada Malabo ee Caasimadda dalka Equotorial Guinea ku...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer dhiirrigelin ah ku tagay jiidaha dagaalka Shabeellaha Dhexe

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Sahal Cabdullaahi...