Ciidamada qaranka oo ka hortagay weerar Khawaarijtu ay ku qaadeen degmada Afmadow

Date:

Ciidanka xoogga dalka iyo daraawiishta Jubbaland ee ku sugan degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose ayaa saakay fashiliyey weerar ay ku soo qaaday Khawaarijta Al-Shabaab.

Khawaarijta ayaa weerarkaas u adeegsaday labo gaari oo walxaha qarxa laga soo buuxiyay iyo dagaal toos ah oo xigay, waxaana halkaas Khasaaro xooggan lagu gaarsiiyay maleeshiyaadkii ku soo duulay degmadaas.

Taliyaha qeybta 43-aad ee ciidanka xoogga dalka Jeneraal Cali Maxamed Maxamuud Bogmadow ayaa warbaahinta qaranka u sheegay inay ka hortageen laba gaari oo qaraxyo ay ku soo rareen, isla markaana uu meydkoodu daadsan yahay banaanka xeradii ay isku dayeen in ay soo weeraraan.

Howlgallo ka dhan ah Khawaarijta Al-shabaab ayaa ka socda degmada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose, halkaas oo ku sugan yihiin wasiirka Jubbaland Yuusuf Xuseen Cismaan (Dhuumaal) iyo taliyaha qeybta 43-aad

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan.

Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur...

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka”.

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS Xasan Macallin Maxamuud oo...

Guddiga Doorashooyinka oo ku shaaciyay liiska musharaxiinta ee golaha deegaanka.

Guddigga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha.isagoo gudanaya...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Tripoli, 11  December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...