Ra’iisul Wasaare Hamse iyo xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirrada oo maanta tagay safaaradda dalka aan walaalaha nahay ee Turkiye

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Mudane Xamse Cabdi Barre oo ay wehliyaan xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirrada ayaa maanta tagay safaaradda dalka aan walaalaha nahay ee Turkiye si uu uga tacsiyeeyo Dowladda iyo Shacabka Turkiga dadka ku dhintay musiibadda dhulgariirkii ka dhacay Isniintii.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiirrada ayaa u duceeyay dadka dhintay, isaga oo saxiixay buugga tacsida ee loo furay dadkii ku dhintay dhulgariirka, waxaana isaga oo ku hadlaya codka Xukuumadda iyo shacabka Soomaaliyeed uu sheegay inay aad uga tiiraanyeysan yihiin, isla markaana ay uga tacsiyeynayaan dowladda Turkiga iyo shacabkeeda.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu codsaday in salaadda Jimacaha ee berri si wadajir ah loogu soo duceeyo dadkii ku dhintay dhulgariirkaasi dalka Turkiga iyo Suuriya inuu Allaah naxariistiisa Janno ugu deeqo, kuwa dhaawaca ahna caafimaad deg deg ah siiyo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Muxuu yahay Barnaamijka muhiimka ah ee Muqdisho ka daahfurtay Wasaaradda Qoyska XFS?

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ayaa maanta...

Madaxweynaha JFS oo Madaxtooyada ku qaabilay hoggaanka Dhaqanka Soomaaliyeed

Muqdisho, Abriil 28, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Soomaaliya iyo Shiinaha oo xoojinaya iskaashi ku aaddan horumarinta khayraadka dabiiciga ah

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha, H.E. Dr. Hodan...

Soomaaliya iyo Cumaan oo xoojinayo iskaashiga dhinacyada Gaadiidka iyo Isgaarsiinta

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...