Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmaymadaxweynaha Jamhuuriyadda Talyaaniga

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa munaasabad soodhaweyn ah oo heerkeedu sarreeyo loogu sameeyey qasriga madaxtooyada dalka Talyaaniga ee Quirinale Palace, halkaas oo uu salaan sharaf ka qaatay ilaalada Jamhuuriyadda.

Munaasabadda ku qabsoomtay qasriga ayaa madaxweynaha Jamhuuriyadda Talyaaniga mudane Sergio Mattarella waxa uu ku muujiyey sida uu ugu faraxsan yahay booqashada wafdiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaaminayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo baambayda Talyaanigu ay tumayeen heesaha calamada labada dal.

Intaas kaddib, Labada madaxweyne ayaa wada qaatay kulan qado-sharaf ah oo ay iskaga xog wareysteen xiriirka taariikhiga ah ee labada dal, danaha wadajirka ah ee ka dhexeeya labada shacab, iyadoo madaxweyne Xasan Sheekh uu soo bandhigay halganka shacabka Soomaaliyeed ay ugu jiraan dib u dhiska dalkooda iyo dabar-goynta argagixisada.

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Talyaaniga soodhaweynta diirran ee ay ku qaabileen isaga iyo wafdigiisa, waxa uuna tilmaamay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay dib u soo nooleynta xiriirka saaxiibtinimo ee ay la leedahay dalalka caalamka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...