Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay Safiir Kuxigeenka Safaarada Suudaan ahna Sii-haayaha Safiirka

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay Safiir Kuxigeenka Safaarada Suudaan ahna Sii-haayaha Safiirka Mudane Ammar Ahmed B. Ali.

Kulanka ayaa loogu hadlay xoojinta xiriirka walaaltinimo, midka dhaqan iyo iskaashi ee ka dhaxeeya labada shacab. Iyadoona Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) uu kaga mahadceliyay dalka Suudaan doorkooda taageerida walaaltinimo ee had iyo jeer la garab taaganyihiin shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale kulanka ayaa loogu hadlay kala faa’ideysiga dhanka Aqoon iyo Xirfad ee labada Caasimadood, Mataaneenta, Tababarida iyo Maalgeshiga Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka Soomaaliya.

Labada dhinac ayaa isla gartay in dhawaan Magaalada Muqdisho lagu qabto Shirweyne Maalgeshi oo u dhaxeeya Suudaan iyo Soomaaliya, kaasi oo diirada lagu saarayo maalgeshiga Warshadaha iyo Adeegyada Aas-aasiga ah ee Bulshada.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo Baydhabo ka daahfuray Shirka Madasha Arrimaha Bini’aadannimada

Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Taliyaha Qeybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor oo la kulmay saraakiisha Guutada 17-aad ee XDS

Taliyaha Qeybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor, Gaashaanle Sare Saahid...

Danjiraha Soomaaliya ee Burkina Faso oo Xoojinaya Iskaashiga Ganacsiga iyo Maalgashiga

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Burkina Faso, Danjire...

Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda WHO oo Xoojinaya Iskaashiga Horumarinta Caafimaadka

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...