Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda  Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay danjiraha dowladda Qatar ee Soomaaliya

Date:

Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda  Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Xamze Adan Xaadoow ayaa maanta kulan kula yeeshay xarunta wasaaradda danjiraha dowladda Qatar ee Soomaaliya Amb. Abdullah bin Salem Al Nuaimi.

Xoghayaha Joogtada ah iyo safiirka ayaa ka wada hadlay  xoojinta xiriirka labada dal iyo kor u qaadidda iskaashiga ka dhaxeeya ee dhinacyada Diblumaasiyadda, horumarinta iyo gargaarka.

Mudane Xamze Adan Xaadoow iyo danjire Abdullah bin Salem Al Nuaimi  ayaa sidoo kale isla soo qaaday booqashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane  Dr Xasan Sheekh Maxamuud uu horraanta bisha Maarso ku tegi doono dalka Qatar, iyadoo safiirku uu xoghayaha la wadaagay diyaar garowga ay dowladdiisu ugu jirto soo dhoweynta Madaxweynaha iyo wafdigiisa.

Kulankan labada masuul waxaa ku wehelinayay Agaasimaha  Habmaamuuska qaranka Abukaate Xirsi Xaaji Culusow iyo agaasimaha waaxda Carabta wasaaradda Mudane Mustaf Aadan Dagaal, iyo sidoo kale saraakiil ka socotay safaaradda Qatar.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska oo Daah-furay Dib u habeynta Kaydka Radio Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Bannaanbaxu waa xaq dastuuri ah, balse fowdo ma aha

Sida dastuurro badan oo dunida ka jira, Dastuurka Soomaaliya...

War-saxaafadeed ku aadan Garsoore Cumar Cartan

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay...

Warsaxaafadeed: Calanka iyo Astaanta Qaranka ee saxda ah

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka...