Israa’iil: “Dhamaadka sannadkan waxaa la dhamaystirayaa xidhiidhka diblomaasi ee aan la leenahay ee Sudan”

Date:

Wasiirka arrimaha debedda ee Israa’iil ayaa sheegay inuu rajaynayo in la dhamaystiro xidhiidhka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Sudan iyo Israa’iil, dhammaadka sannadkan, xilli uu ka soo laabtay socdaal diblomaasiyadeed oo uu ku tegey dalka Sudan.

Eli Cohen oo la hadlay warbaahinta, ka dib safariisa halka maalin qaatay ee uu ku tegey Khartoum, ayaa sheegay inuu kulamo heersare ah la qaatay hoggaamiyayaasha milateriga, oo uu ka mid yahay hoggaamiyaha Sudan Abdel-fattah Burhan oo dalkaas soo xukumayey tan iyo markii uu afgembigu dhacay sannadkii 2021.

“Heshiiska ayaa la filayaa in la saxiixo sanadkan, wuxuuna noqonayaa kii afaraad” ee noociisa ah, ayuu yidhi wasiirka arrimaha debedda ee Israa’iil, isaga oo tixraacaya heshiisyadii lagu hagaajinayey xidhiidhka u dhexeeya Israa’iil iyo dalalka Imaaraadka Carabta, Bahrain, Sudan iyo Morocco, kaas oo uu door ka qaatay Maraykanku.

Ku dhawaaqistan ayaa ka caawin karta ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu in uu dareenka ka jeediyo rabshadihii dhowaan ka dhex dhacay Falastiiniyiinta iyo maamulkiisa, iyo weliba cadhada xooggan ee ka dhalatay qorshihiisa ku aaddan isbedelka dhinaca garsoorka.

AP

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Amniga Gudaha Federaalka oo tababar u soo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka Boliiska.

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh...

Kulanka Goblaha Wasiirrada oo looga hadlay doorashada Golaha Deegaanka ee gobolka Banaadir.

Muqdisho, Khamiis, 18 Diseembar 2025:-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka...

Ciidanka Danab iyo MU oo howlgal ka fuliyay Shabeellaha Hoose.

Ururka 161-aad ee Ciidanka Kumaandooska Danab oo kaashanaya cutubka...

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo soo bandhigtay Waxqabadka Sannadka 2025.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...