Labo ka mid ah dhallinyarada ay qaldeen Khawaarijta Al-Shabaab oo maanta isku soo dhiibay ciidanka xoogga dalka

Date:

Labo ka mid ah dhallinyarada ay qaldeen Khawaarijta Al-Shabaab ayaa maanta isku soo dhiibay ciidanka xoogga dalka ee ku sugan aagga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Labadaan wiil oo lagu kala magacaabo Cabdifitaax Cabdullaahi Sheekh iyo Cabdifitaax Aadan Abiikar ayaa ciidanka ay isku soo dhiibeen u sheegay inay Khawaarijta uga biireen gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe.

Dhallinyaradaan ka soo hartay Khawaarijta waxay sheegeen inay u adkeysa waayeen howlgallada ay wadaan ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee lagu baacsanayo argagixisada, iyagoo iska soo dhiibay aagga deegaanka Caad ee gobolka Mudug oo maalmihii lasoo dhaafay ay howlgallo culus ka fuliyeen ciidanka qaranka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ka warbixiyay natiijooyin la taaban karo ee laga gaaray horumarinta waxbarashada dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa...

Dowladda oo dishay xubnihii ugu badnaa ee khawaarijta u qaabilsanaa baada ay ka qaado shacabka Soomaaliyeed

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sii xoojisay dagaalka ka dhanka...

Wasiir Xasan Xuseen “Waxaan ku dadaaleynaa sidii looga shaqeyn lahaa badqabka xoolaha”

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa ee XFS...

Mashruuca badbaadinta dadka taagta daran oo ka socda Muqdisho iyo deegaanada dalka

Waxaa magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka ka socda bixinta...