MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MUQDISHO KU SOO DHAWEEYEY RA’IISUL WASAARAHA XUKUUMADDA ITOOBIYA MUDANE ABIY AXMED

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Caasimadda Muqdisho waxa uu ku soo dhaweeyey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Itoobiya Mudane Abiy Axmed oo dalka u yimid ka qeybgalka Shirka Soomaaliya iyo dalalka Safka Hore.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaanay muhiimiyadda ay leedahay in dalalka gobolku ay u midoobaan dagaalka argagixisada Alshabaab.

Dhankiisa, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Itoobiya Mudane Abiy Axmed ayaa uga mahadceliyey Madaxweyne Xasan Sheekh, dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed soo dhaweynta diirran iyo marti-gelinta shirkan muhiimka ah ee lagaga arrinsanayo dabar-goynta argagixisada Khawaarijta Alshabaab oo caqabad weyn ku ah horumarka iyo nolosha shucuubta gobolka.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal...

Munaasabad lagu dhiirrigelinayo Saraakiisha amniga KGS oo lagu qabtay Baydhabo.

Waxaa magaalada Baydhabo lagu qabtay munaasabad lagu maamuusayay, laguna...

Maareeyaha Batroolka Qaranka oo shaaciyay cadadka shidaalka laga helay Soomaaliya.

Maareeyaha guud ee Hay’adda Batroolka Qaranka, Eng. Cabdulqaadir Aadan...

Duqa Muqdisho oo ka hadlay dhismaha Waddada Jamhuuriya ee degmada karaan.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho,Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab),...