Taliyaha ciidan xooga dalka General Odawaa Yuusuf Raage oo Magaalada Muqdisho kula Kulmay dhiggiisa dalka Kenya

Date:

Taliyaha ciidan xooga dalka General Odawaa Yuusuf Raage ayaa Magaalada Muqdisho kula Kulmay dhiggiisa dalka Kenya General Robert Kariuki oo maanta soo gaaray Muqdisho.

labada Taliye ayaa ka wada hadlay iskaashiga iyo wada shaqeynta labada dhinac iyo xoojinta la dagaallanka Kooxaha Khawaarijta oo dhibaato ku ah ammaanka labada dal.

Taliyaha Ciidamada difaaca dalka Kenya General Robert Kariuki ayaa Taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ku bogaadiyay howlgalka Ciribtirka Khawaarijta ee ka socda dalka isagoo Ballan qaaday in ciidanka Kenya ee qeybta ka ah ATMIS ay door weyn ka qaadan doonaan ciribtirka Khawaarijta.

General Odawaa Yuusuf Raage ayaa dhankiisu  uga mahad celiyay Kenya doorka ay qaadaneyso howlgallada Khawaarijta looga xoreynayo dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo magacaabay lataliyaha Sare ee Siyaasadda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud,...

Wasaaradda Haweenka oo Xustay 10 sano guurradii heshiiska Xuquuqda Carruurta ee QM.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre,...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay heshiisyo lala galay dowladdo..

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii...

Xildhibaan Fowsi Warsame oo si KMG ah ugu biiray Baarlamaanka Norway.

Xildhibaan Fowsi Warsame, oo ka mid ah dhallinyarada Soomaaliyeed...