Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Guddiga Walidiinta Ciidanka Tababarka ku soo qaatay dalka Ereteriya

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan xog-warran ah la qaatay guddiga waalidiinta ciidanka Soomaaliyeed ee tababbarka ku qaatay Dalka Ereteriya.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in ciidanka inta maqan ay dalka dib ugu soo laabanayaan, isla marka ay soo dhameystaan tababarooda si ay u gutaan waajibka qaran ee sida geesinnimada leh iyo dal-jacaylka ay u qaadeen.

Madaxweynaha ayaa waalidiinta u xaqiijiyay fulinta ballan-qaadkiisii ku aaddanaa in ay dib ula midoobaan ubadkooda, islamarkaana ciidamadu ay helaan waqti ay la qaataan qoysaskooda iyo ehelkooda.

Dhankooda, waalidka uu la kulmay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahad-celiyey mudnaanta uu siiyey xaaladda ubadkooda iyo sida degdegga ah ee uu u fuliyay balanqaadkiisii, taas oo daweysay tabashada iyo walwalka ay qabeen, waxa ayna muujiyeen faraxaddooda ku aaddan in ubadkoodu ay ka qeyb-qaadan doonaan halganka dalka lagga xoreynayo Khawaarijta Al-shabaab.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha Shacabka oo ansixiyay hindise sharciyeedka hannaanka lacag bixinta Qaranka

Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo WFP kala hadlay Isuduwidda Howlaha Gargaarka

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabi...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qaybgalay shirka Wasiirrada dalxiiska Qaaradda Afrika

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Saraakiil Soomaaliyeed oo tababar loogu soo xiray dalka Yugaandha

Madaxweynaha dalka Yugaandha Mudane Yoweri Museveni ayaa tababar usoo...