Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo sheegay inay guulo waa weyn ka gaareen siyaasadda arrimaha dibadda.

Date:

Wasiirka Arrimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Haruuse oo shalay si rasmi ah u furay shirka Hannaanka Xaqiijinta Shuruudaha looga Baahan yahay Soomaaliya ee ku biirista Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika ayaa dhanka kale ka hadlay muhimadda shirkaan uu u leeyahay Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa sheegay in siyaasadda arrimaha dibadda ee Soomaaliya ay sameysay horumar ballaaran, iyadoo lagu hagayo hal ku dhigga ah “Soomali heshiis ah, dunidana heshiis la ah” si gaar ahna wasaaraddu mas’uul uga tahay qeybta Soomaaliya dunida heshiis la ah.

“ Muddada kooban ee dhan shanta bilood oo aan xafiiska joogo, haddii aan u dib milicsanno siyaasadda arrimaha dibadda Soomaaliya, dhadhaqaaqayaga iyo dadaallada aynu sameynay wax weyn ayaa siyaasadda arrimaha dibadda ka qabsoomay.”

Wasiir Haruuse ayaa xusay in tallabo wanaagsan loo qaaday marka ay timaaddo iskaashiga iyo wada shaqeynta Soomaaliya kala dhaxeysa wadammada caalamka iyo kuwa gobolkaba ee xariirku uu kala dhaxeeyo, ururada aan wada shaqeynta la leenahay iyo dhammaan hey’adaha caalamiga, iyadoo loo marayo siyaasad arrimo dibadeed oo ku dhisan isqaadasho, is ixtiraam iyo iskaashi, taas oo sahashay in siyaasad ahaan ay isku furmaan Soomaaliya iyo Caalamka, dalalka dariska ah, kuwa Qaaradda Afrika oo dhan iyo dhammaan urur goboleedyada ay Soomaaliya qeybta ka tahay

“Aad bay u horumarsan tahay, wax weyn ayaana runtii iska bedalay siyaasadda arrimaha dibadda, horay ayaana u sii soconeynaa” ayuu hadalkiisa ku soo xiray wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Haruuse oo wareysi gaar ah siiyay warbaahinta Dowladda

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo soo xiray Shirweynaha 6-aad ee hal-abuurka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Shirka Golaha Wasiiradda oo lagu ansixiyay Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed.

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan kula yeeshay Zoomka deeq-bixiyaasha caalamka.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa...

Golaha Shacabka oo ansixiyay Heshiiska Aas-aasida Ciidanka Heeganka ee Bariga Afrika.

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...