Inka badan konton khawaarij ah ayaa lagu dilay hawlgalka maanta ka dhacay deegaanka Miiroon oo hoos taga degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug, Ciidanka Qaranka ayaana la wareegay deegaankaas iyagoo ka cayriyay Khawaarijta.
Ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah Weerar ku qaaday deegaanka waxaana la gaarsiiyay Jab weyn, Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga dalka General Maxamed Tahliil Biixi ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay in Howgalkaas cadowga lagu naafeeyay.
Howgalka Sifeynta ayaa wali socda, hadaba faahfaahin dheeraad ah dib ayaan idinkaga soo gudbin doonaa Insha allaah.