Madaxweynaha Mareykanka oo ergey gaar ah u magacaabay Kuuriyada Waqooyi

Date:

Afhayeen u hadlay Aqalka Cad, ayaa sheegay in madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu u magacaabay sarkaal ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda, ergeyga cusub ee arrimaha xuquuqul insaanka ee Kuuriyada Waqooyi.

Magacaabista Julie Turner, ayaa timid ka dib markii jagadan ay bannaaneed muddo Lix sano ah, haba ugu badnatee xilligii uu talada hayay madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump, kaasi oo wada hadallo heer sare ah la yeeshay Xukuumadda Pyongyang.

Turner, oo ah Diblamaasi ku hadla Afka Kuuriyaanka, sidokalana madax ka ahaa Xafiiska Dimuqraadiyadda iyo Xuquuqul Insaanka Bariga Aasiya iyo Baasifigga ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka, ayuu Joe Biden, u xushay inuu noqda ergeyga xuquuqul insaanka ee Kuuriyada Waqooyi.

Aqalka Cad ayaa sheegay in Turner, uu xafiiska Bariga Aasiya iyo Baasifigga, u adeegay in ka badan 16 sano, waxaana hadda looga fadhiyaa inuu diiradda saaro dadaallada la xiriira horumarinta xuquuqda aadanaha ee Waqooyiga Kuuriya.

Xilkan ayaa bannaanaa tan iyo bishii Janaayo ee sanadkii 2017-kii markaas oo uu xilka iska casilay Robert King, oo uu magacaabay madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xafiiskiisa ku qaabilay Abwaan Mustafa Sheekh Cilmi

-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka oo daahfuray madasha labaad ee Istiraatiijiyadda warbaahinta 2026

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka hadlay horumarinta Warbaahinta Dowladda iyo tayeynta wariyaasha

-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax...