Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS oo Xafiiskeeda ku qaabishay Safiirka Dalka Boqortooyadda Sacuudi Carabiya

Date:

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Fardowsa Cismaan Cigaal ayaa maanta xafiiskeeda ku qaabishay Safiirka Dalka Boqortooyadda Sacuudi Carabiya, Amb. Axmed Bin Maxamed Al-Muwalad, iyagoo ka wada-hadlay qorshaha loogu diyaar garoobayo duulimaadyada Xajka, iskaashiga horumarinta dhinacyada gaadiidka iyo duulista Hawada.

Wasiir Fardowsa, ayaa xaqiijisay in qorshaha sannadkan ee dowladda ee ku aaddan Hajka inuu yahay mid lagu doonayo in la fududeeyo duulimaadyada qaadaya xujeyda. Waxayna intaa ku dartay Iskaashiga iyo xiriirrada caalamiga ah ee duulimaadyada, Duuslita Hawada iyo Gaadiidka inuu  door muuqda ka qaadanayo qorshaha iyo dadaallada horumarinta ee dhinacyada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xafiiskiisa ku qaabilay Abwaan Mustafa Sheekh Cilmi

-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka oo daahfuray madasha labaad ee Istiraatiijiyadda warbaahinta 2026

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka hadlay horumarinta Warbaahinta Dowladda iyo tayeynta wariyaasha

-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax...