[DAAWO+SAWIRRO] Guddoomiyaha Gobobolka Banaadir oo safar shaqa dalka uga maqnaa oo maanta si deg deg ah ugu soo laabtay Muqdisho

Date:

Guddoomiyaha Gobobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo si deg deg ah ugu soo laabtay dalka, kadib safar shaqo oo uu ku joogay dalka Kuwait, ayaa kormeeray qaar ka mid ah Isbitaalada Magaalada Muqdisho oo ay ku jiraan dhaawacyada shacab waxyeelo kasoo gaartay Weerarkii Khawaarijta ay shalay kusoo qaaday Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar. Waxa uuna u rajeeyay in uu ilaaheey caafimaad deg deg siiyo.

Sidoo kale Duqa Magaalada Muqdisho ayaa u kuurgalay xaalada Xarunta Dowladda Hoose ee Xamar, asigoona halkaasi shir kula qaatay Guddoonka Sare ee Maamulka Gobolka Banaadir, Laamaha Amniga, Guddoomiyeyaasha Degmooyinka iyo Deegaanada Gobolka Banaadir iyo qaar ka tirsan Agaasimeyaasha.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Tacsi u diray Ehelada Shuhadadii ku shahiiday weerarkii shalay, Waxa uuna ka Mahad-celiyay gurmadkii ay geysteen Laamaha Amaanka, Guddoomiyeyaasha Degmooyinka iyo cid weliba oo gacan ka geysatay soo afjarida weerarka iyo bad-baadinta maatida.

Ugu danbeyn waxa uu sheegay in aysan marnaba Maamulka Gobolka Banaadir ka gaabin doonin u adeegida shacabka Soomaaliyeed, ayna baqdin gelin doonin weerarada ay geysanayaan Khawaarijta, Waxaa uuna ugu baaqay bulshada in ay ka feejignaadaan dhagaraha Khawaarijta, loona midoobo dagaalka ka dhanka ah.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo wada-tashi diblomaasiyadeed la yeeshay amiirka dowladda Qatar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Madaxweynaha JFS oo wada-tashiyo baahsan oo diblomaasiyadeed la yeeshay madaxda Bariga iyo geeska Afrika

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wasiirka hawlaha guud ee XFS oo si adag uga hadlay go’aanka ay Israa’iil ku sheegtay inay dowlad ahaan u aqoonsatay Somaliland

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka...