Taliyaha CXD oo Deeq Xoola ah u diray Shacabka D.Maxaas

Date:

 Deeq Xoolaha ah oo ka timid Taliyaha Ciidanka xoogga dalka jeneraal Odawaa Yuusuf Raage,ayaa soo dhiibay 300 Neef oo Ari ah,oo loogu talagalay dadkii ay dhawaan khawaarijta ka gowraceen xoolaha.Waxaana lagu wareejiyay Odayaasha deegaanka Ceel-xeero oo hoostaga Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Khawaarijta,ayaa u laayeen Xoolaha dadka deegaanka ay lahaayeen, Sababo la xariira jabka khawarijta kasoo gaaray howlgalka looga saaray inta badan Gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha maamulka degmada Maxaas Mudane Muumin Maxamed Xalane iuo Taliyaha qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Tawane Axmed Maxamed oo Taliyaha Ciidanka xoogga dalka u wakiishay wareejinta deeqdaasi loogu talagalay dadka cadowga Xoola la’aanta dhigay.Odayaasha deegaanka iyo Dadkii xoolaha laga xasuuqay, ayaa u mahadceliyay Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Jenaraal Odawaa Yuusuf Raage.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Diiwaangelinta doorashooyinka qof iyo codka ah ee degmada Gaalkacyo oo maanta soo gabagabowday.

Diiwaangelinta doorashooyinka Qof iyo Cod ee degmada Gaalkacyo ayaa...

Guddoomiyaha dhallinyarada Gobolka Banaadir oo ka dhiidhiyay faragelinta YH-da ee dalkeenna.

Guddoomiyaha Dhallinyarada Gobolka Banaadir, Cumar Faaruuq, ayaa si kulul...

Culimada Soomaaliyeed oo banaanbax ka dhan ah Xadgudubka Israa’11l ka dhigay Taallada Daljirka Dahsoon.

Banaanbax ballaaran oo ay soo abaabuleen Culimada Soomaaliyeed ayaa...

Guddoomiyaha Midowga Golayaasha Culimada Soomaaliyeed oo ka hadlay faragelinta Israa’11l.

Guddoomiyaha Midowga Golayaasha Culimada Soomaaliyeed, Sheekh Suufo Yare, ayaa...