Kulanka Baarlamaanka oo maanta looga dooday labo Hindisi Sharciyeed

Date:

Guddoomiye Ku-Xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane. Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa Shir Guddoomiyay Kalfadhiga 2-aad Kulankiisa 12-aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ajandihiisu ahaa;

1) Akhrinta 1-aad ee Hindise Sharciyeedka Hay’adda Dhiirigalinta Maalgashiga Soomaaliya

2) Akhrinta 1-aad ee Hindise Sharciyeedka Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo Maalgashiga Caalamiga Xil. Maxamuud Cabdiraxmaan ‘Beenabeene’ ayaa Golaha ka hor akhriyay Hindise Sharciyeedka Hay’adda Dhiirigalinta Maalgashiga Soomaaliya sidoo kale Wasiir-Dowlaha Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xil. Maxamed Cali Xagaa ayaa Golaha ka hor akhriyay Hindise Sharciyeedka Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya.

Ugu dambeyntii, Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane. Cabdullaahi Cumar Abshirow, ayaa faray Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka BJFS Mudane. Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle “Jaabiri” in Guddiyada Arrimaha Gudaha iyo Amniga iyo Guddiga Dhaqalaha Ganacsiga Warshadaha iyo Maalgashiga ee Golaha Shacabka BJFS u ku wareejiyo labada Hindise Sharciyeed,.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo kulan la qaatay odayaasha dhaqanka ee ku sugan Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan miro-dhal ah...

Ciidanka Xoogga oo fashiliyey weerar khawaarijtu ku qaadeen deegaanka Jabad Godane ee G/ Shabeellada Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa fashiliyey weerar ay maleeshiyada...

Safaaradda Shiinaha oo hambalyo u dirtay Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari

Safaaradda Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha ee Soomaaliya ayaa hambalyo diiran...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Boqor Burhaan Boqor Muuse

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...