[DAAWO] Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Baydhabo kulan kula qaatay qaar ka mid ah culimaa’udiinka Koofur Galbeed

Date:

Badhabo, Jannaanyo 20, 2023; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud  oo Baydhabo kulan kula qaatay qaar ka mid ah culimaa’udiinka Koofur Galbeed ayaa ka dalbaday in ay doorkooda ka qaataan dadaalada lagu xoojinayo Nabadda, dib u heshiisiinta iyo wadajirka bulshada deegaanka.

Madaxweynaha ayaa culimada ku bogaadiyey doorkooda wanaagsan ee fidinta diinteenna suubban, wacyi gelinta iyo toosinta bulshada isaga oo ku adkeeyay in ay kaalin muuqata ku yeeshaan halganka dib u xoreynta dalka gaar ahaan dabar goynta fikirka gurracan ee Khawaarijta.

Dhankooda, culimada ayaa la wadaagay Madaxweynaha talooyin ku aaddan dib u heshiisiinta, dowlad dhiska  iyo la dagaallanka fikiraayay xagjirka ah, iyaga oo bogaadiyey tallaabooyinka loo qaaday xoreynta, xasilinta dalka iyo dowlad-wanaagga.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa culimada ka codsaday in ay sii xoojiyaan dadaalladooda ku aaddan kobcinta wacyiga bulshada, ayna hormuud u noqdaan xaqiijinta Soomaaliya xor ah, xasillan isla markaana Barwaaqo ah.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Degmada Yaaqshiid oo lagu qabtay kulan lagu xoojinayo wada shaqaynta Booliiska iyo Shacabka

Degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir oo lagu qabtay kulan...

Safiirka Soomaaliya ee Yemen oo la kulmay Madaxweyne ku xigeenka dalkaasi

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Yemen, Cabdixakiin Maxamed Axmed,...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud has received the letters...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

1-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa  ka guddoomay waraaqadaha aqoonsiga...