Ciidamada Booliska Puntland oo gobolka mudug ka baadi goobaya Nin ku edeysan in uu dil u geystay masuuliyiin katirsan maamulkaas

Date:

Taliska Ciidanka Booliska Maamulka Puntland ee Gobolka Mudug ayaa soo bandhigay Magaca iyo Sawirka Nin ku eedeysan dilka laba qof oo mas’uuliyiin ahaa, kuwaas oo Maalmo ka hor lagu dilay degaanka Bursalax ee Gobolka Mudug.

War kasoo baxay Taliska Ciidanka Booliska Puntland ayaa waxaa lagu sheegay inay raadinayaan nin lagu eedeeyay inuu dil ka geystay Degmadda Bursaalax ee Gobolka Mudug, kaasoo Magaciisa lagu sheegay Bashiir Cumar Cigaal Cilmi ( Ina Cumar Jawaan).

Booliska oo Ninkaan baahiyay sawirkiisa isaga oo hubeysan ayay sheegeen in uu ku lug lahaa dil 15-kii Bishaan degmada Bursaalax ee Gobolka Mudug Puntland loogu geystay Guddoomiyihii hore ee degmada Bursaalax C/raxmaan Shiikh C/laahi iyo Ganacsade Mukhtaar Maxamed Aw Khalaf.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidamada Danab iyo kuwa Jubbaland oo soo afjaray Khawaarijtii weerartay deegaanka Kudhaa.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Kumaandooska Danab iyo kuwa...

Wasiirka Dekedaha XFS oo uga mahadceliyay Golaha Wasiirrada ansixinta Is-afgaradka Dekadaha Badweynta Hindiya.

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS Mudane Cabdulqaadir...

Kulanka Goblaha Wasiirrada oo looga hadlay amniga dalka.

Muqdisho, Khamiis, 22 Jannaayo 2026: — Golaha Wasiirrada Xukuumadda...

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya oo Qatar kulan kula yeeshay Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Gudaha.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...