Wasiirka Arrimaha Dibedda Yemen oo muqdisho kulan soodhaweyn ah loogu sameeyey.

Date:

Waxaa xalay kulan casho sharaf ah Muqdisho loogu sameeyey wafdigii uu hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Qurbajoogta ee Jamhuuriyadda Yemen Dr. Axmed Cawad bin Mubarak oo maalmihii la soo dhaafay booqasho rasmi ah ku joogay dalkeenna.

Waxaa kulanka cashada ah kasoo qayb-galay masuuliyiin badan oo ka kala socotay golayaasha kala duwan ee JFS iyo qaar ka mid ah safiirrada safaaradaha dalkeenna jooga.
Wasiir Axmed Cawad oo hadallo kooban ka jeediyay munaasabadda cashada ah ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay soo dhoweynta iyo niyad wanaagga uu kala kulmay ummadda Soomaaliyeed iyo sida loogu soo dhoweeyey dalka iyo booqashadiisii rasmiga ahayd ee uu ku tegey wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dalka Ciraaq u qaabilsan Soomaaliya 

Muqdisho, Arbaco, 11 Febraayo 2026: – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda...

Agaasimaha Guud Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo La Kulmay Danjiraha Shiinaha

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta,...

Wasiiru-Dowlaha Gaashaandhigga oo Booqday Markabka Dagaalka ee Turkiga ee Muqdisho

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga, Xildhibaan Cumar Cali Cabdi, oo uu...