[SAWIRRO] 49 Katirsan Khawaarijta Al-shabaab oo lagu dilay Tuulo hoostagta Deegaanka Xawaadleey

Date:

Inta la xaqiijiyay 49 ka tirsan Khawaarijta ayaa lagu dilay tiro kalana waa lagu dhaawacay dagaal ka dhacay Tuulada Dhagaxow oo hoostagta deegaanka Xawaadlay ee gobalka Shabeellaha Dhexe.

Howlgalkaan oo ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka, Geesiyaasha dadka deegaanka, Ciidanka Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka iyo Saaxiibada Caalamka ayaa waxaa lagu beegsaday Khawaarij isku abaabulaysay dhulbeereedka Sheekh Qaasim.
Sidoo kale, Khawaarijta halkaan waxay ku haysteen dhaawacyo badan oo ayaga ka mid ah, kuwaas oo horay ugu soo dhaawacmay dagaallada dalka looga xoraynayo, qaarkood ayaana howlgalkaan lagu dhammaystiray.
Howlgalka inta uu socday Khawaarijta waxaa laga soo celiyay Gaadiid Dagaal oo ay horay u qaateen kuwaas oo uu ku jiro Gaari uu saaranyahay qoriga Zuu-ga, waxaana sidoo kale howlgalka lagu burburiyay Gaadiid dagaal iyo saanad ciidan.
Hal asakari oo ka tirsan ciidanka Qaranka ayaa ku shahiiday inta uu socday howlgalka, waxaa sidoo kale dhaawac uu soo gaaray saddex kale oo ka tirsan ciidamada Qaranka.
Ciidamadu wali waxay ku sii raadjoogaan firxadka Khawaarijta kuwaasi oo qaarkood ku go’doonsan beeraha iyo geedaha hoostooda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Kormeer ku tagay mid ka mid ah Xarumaha laga bixiyo Kaarka aqoonsiga Qaranka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Howlgal lagu dilay xubno katitsan khawaarijta oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe

WAR SAXAAFADEED Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo...

Maareeyaha Hay’adda Aqoonsiga Qaranka oo ka hadlay tabashada muwaadiniinta Soomaaliyeed

Maareeyaha Hay’adda Aqoonsiga Qaranka ee Soomaaliya Cabdiwali Timacadda, ayaa...

Masar oo xaqiijisay taageerada howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM ee Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Socdaalka ee Masar, Dr. Badr...