Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka XFS oo qaabilay wafdi uu hogaaminayay Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

Date:

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa galabta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hogaaminayay Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Amniga iyo Badbaadada, Mr Gilles Michaud.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa warbixin ka siiyey Kaaliyaha guulaha ay dowladdu ka gaartay dagaalka ay kula jirto Khawaariijta iyo qorshaha Xukuumadda #DanQaran ee ku wajahan xasillinta deegaannada laga xoreeyay argagixisada.
Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Q.M. ayaa dowladda Soomaaliya ku amaanay guulaha ay ka soo hoysay dagaalka ay kula jirto argagixisada, isagoo tilmaamay in hay’adda Qaramadda Midoobayn diyaar u tahay in Soomaaliya kala shaqayso qorshaha xasillinta iyo sidii dadka ku sugan goobaha la xoreeyay loo gaarsiin lahaa gargaar degdeg ah iyo adeegyada assaasiga ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka oo kulan la qaadatay Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Guddoomiyaha Kmg ah ahna guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha...

Guddiga Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya oo booqday maxaabiis Soomaaliyeed oo ku xiran Liibiya

Wafti ka socda Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqda Aadanaha Qaranka...

Taliska Xoogga Dalka oo dardargelinaya howlgalada ka dhanka ah Khawaarijta ee ka socda gobolka Baay.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed...

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha shacabka oo la magacaabay

Guddoomiyaha Kmg ah ahna Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha...