Wasiirka wasaaradda Kalluumeysiga XFS oo kulan la qaatay ku xigeenka Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

Date:

Wasiirka wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Ahmed Hassan Adan ayaa kulan mira-dhal ah la yeeshay ku xigeenka Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ahna isku duwaha howgallada arrimaha bani’aadannimo ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Mudane Adam Abdelmoulu.
Labada dhinac ayaa ka wadahadlay xoojinta iskaashiga wadajirka ah ee lagu horumarinayo kalluumeysiga gudaha, Dhaqaalaha badda, iyo abuuridda fursado ay dadka Soomaaliyeed uga faa’iideysan karaan kheyraadka badda.
Wasiir Ahmed ayaa ku xigeenka ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya la wadaagay in Xukuumadda Soomaaliya ay ka go’an tahay inay xoojiso wax soosaarka gudaha, si dadka Soomaaliyeed uga maarmaan deeqaha dibadda sidaa darteed ka wasaarad ahaana ay doonayaan in arrimaha horumarinta kalluumeysiga gudaha muhiimad gaar ah la siiyo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Laascaanood oo maanta lagu qabanayo munaasabada caleemo saarka madaxda Waqooyi bari

Waxa maanta magaalada laascaanood ee xarunta dowlad gobolleedka Waqooyi...

Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshadda XFS oo kulan la qaatay wasiirka qoyska iyo adeegyada bulshadda ee dalka Turkiga

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya Mudane Prof....

Dowladda koonfurta Sudan oo si adag u taageertay ilaalinta midnimada Soomaaliya

Dowladda Jamhuuriyadda Suudaanta Koonfureed ayaa si rasmi ah u...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo laascaanood ku qaabilay wafdi ballaaran oo ka socda dalka Jabuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...