Wasiiirka dhalinyarada XFS oo Maanta Dhagaxdhigay Garooonka Kubada Cagta Dr Ayuub Jeenyo ee Ee degmada Balcad

Date:

Wasiiirka Wasaarada dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliyaย  Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud oo uu weheliyo wasiirka wasaarada Dhalinyrada iyo ciyaaraha dowlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Maxamed Caynte, Xildhibaanno Ka tirsan golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya, Guddoomiyaha Xiriiirka Kubada Cagta Hirshabeelle iyo guddoomiyaha degmada Balcad ayaa si wada jir ah u dhagax dhigay Garooonka Kubada Cagta Dr Ayuub Jeenyo ee Ee degmada Balcad.

Garoonkaanย  oo ay iska kaashadeen bulshada Balcad iyo hayโ€™adda IOM ayaaย  loo dhisi doonaa si Casri ah ayada oo la dhigi doono roogga Cagaaran ee garoomada kubadda cagta la dhigo.

Wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud oo hadal ka jeediyay munaasabadda dhagax dhigga ayaa balan qaaday in wasaaraddiisu qayb ka mid ah garoonka ay ka dhisi doonto xarun dhalinyarada lagu baro farsamada gacanta iyo xirfado u sahli kara inay si fudud ugu biiraan suuqa shaqada.

Dhismaha iyo qalabaynta garoonkan ayaa qayb wayn ka gaysan doonta horumarinta Sports-ka deegaanka iyo in dhalinyaradu hellaan goobo ay isugu yimaadaan

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Maaliyadda ee BFS oo kulan ku yeeshay xarunta guddoonka ee Villa Hargeysa

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka...

Maxkamadda Sare oo laashay natiijada doorashadii Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka Galmudug

Maxkamadda Sare ee Federaalka Soomaaliya ayaa maanta laashay natiijadii...

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

Tababar heer sare ah oo ku saabsan baarista dambiyada...