Dowladda Ruushka ayaa sheegay in ciidamadooda ay soo afjareen qabsashada Soledar oo ah magaalo laga soo saaro milixda oo ku taal bariga Ukraine, halkaasoo uu ka socday dagaal xooggan.
Wasaaradda difaaca ee Moscow ayaa sheegtay in tani ay u ogolaaneyso ciidamada Ruushka in ay jebiyaan ciidamada Ukraine ee ku sugan magaalada Bakhmut, oo ah magaalo ay weeraro ku qaadeen muddo bilo ah.
Balse militariga Ukraine ayaa beeniyay in Soledar lagala wareegay, waxayna sheegeen in dagaalka halkaasi uu wali ka socdo.
Horraantii toddobaadkan kooxda calooshood u shaqeystayaasha Ruushka ee Wagner ayaa sheegtay in ciidamadooda ay qabsadeen Soledar, balse waxaa arrintaasi ka hor yimid wasaaradda gaashaandhigga ee ruushka.
Dagaalo Qarar ayaa labada dhinac muddo ku dhaw sanad dalka magaaloyinka dalka Ukraine ku dhexmaraya xoggaga Ruushka iyo kuwa Ukraine