Kooxda Khawaarijta Al-Shabaab oo deegaan u dhexeeya Maxaas iyo Wabxo si naxariis darro ah ugu laayay xoolo ay lahaayeen dadka reer guuraa ah

Date:

Kooxda Khawaarijta Al-Shabaab ayaa deegaan u dhexeeya Maxaas iyo Wabxo si naxariis darro ah ugu laayay xoolo ay lahaayeen dadka reer guuraaga ah ee deegaankaas.

Kooxda Arxanka daran ee Khawaarijta ayaa in ka badan 300 Neef oo Ari ah ku xasuuqday deegaankaan, taas oo ay aad ula yaabeen dadka xoolahaas iska lahaa, waxaana sababta ay sidaas u sameysay lagu sheegay isku day weerar ay qorsheysay oo laga war helay.
Qof deegaanka ah oo aan la hadalnay ayaan ka soo xiganeynaa “Waxay nagu dheheen xoolahaan dadka iska leh waa Ridoobeen, waana in la laayo iyaga iyo maalkooda, marka ilaahay waa naga badbaadiyay, laakiin xoolo nooma harin.”
Sida ay Ogaatay Warbaahinta Qaranka, kooxda ayaa qorsheyneysay in ay weerarto Ciidanka deegaanka oo ku sugnaa deegaanada u dhexeeya Maxaas iyo Wabxo, waxaase ilaahay fashiliyay isku daygoodii, waana laga war helay, taas ayaa u cuntami weysay ka dibna waxaa ay si ku tala gal ah u laysay xoolihii shacabka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shiinaha oo canshuurta kastamka ka dhaafay badeecooyinka uga yimaada Afrika

Siyaasadda China ee lagu baabi’inayo canshuuraha kastamka ee badeecadaha...

Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

Wariyaal iyo xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socday in...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Buurhakabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud...

Agaasimaha Hay’adda NISA oo Gubadley kula kulmay madax dhaqameed

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane...