Kooxda Khawaarijta Al-Shabaab oo deegaan u dhexeeya Maxaas iyo Wabxo si naxariis darro ah ugu laayay xoolo ay lahaayeen dadka reer guuraa ah

Date:

Kooxda Khawaarijta Al-Shabaab ayaa deegaan u dhexeeya Maxaas iyo Wabxo si naxariis darro ah ugu laayay xoolo ay lahaayeen dadka reer guuraaga ah ee deegaankaas.

Kooxda Arxanka daran ee Khawaarijta ayaa in ka badan 300 Neef oo Ari ah ku xasuuqday deegaankaan, taas oo ay aad ula yaabeen dadka xoolahaas iska lahaa, waxaana sababta ay sidaas u sameysay lagu sheegay isku day weerar ay qorsheysay oo laga war helay.
Qof deegaanka ah oo aan la hadalnay ayaan ka soo xiganeynaa “Waxay nagu dheheen xoolahaan dadka iska leh waa Ridoobeen, waana in la laayo iyaga iyo maalkooda, marka ilaahay waa naga badbaadiyay, laakiin xoolo nooma harin.”
Sida ay Ogaatay Warbaahinta Qaranka, kooxda ayaa qorsheyneysay in ay weerarto Ciidanka deegaanka oo ku sugnaa deegaanada u dhexeeya Maxaas iyo Wabxo, waxaase ilaahay fashiliyay isku daygoodii, waana laga war helay, taas ayaa u cuntami weysay ka dibna waxaa ay si ku tala gal ah u laysay xoolihii shacabka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha Wasiirrada oo ansixiyeen heshiis is-af-garad u dhaxeeyo dowladaha Soomaaliya iyo Masar

Shirka Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo tababar u soo xiray Cutubyo ka tirsan Gorgor

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxda UNOPS si loo dardargeliyo dib-u-dhiska waddooyinka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo noqday qofkii ugu horreeyay ee qaata kaarka codeynta

Madaxweynaha Dowlad Goboleeda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...