[SAWIRRO+DAAWO] Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo Maanta qaabilay dhibane Deeqo Maxamed Makaraan

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo uu wehliyo Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) iyo Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Banaadir Jawaahir Maxamuud Jaamac (Baarqab) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay Hooyo Deeqo Maxamed Makaraan oo ah Hooyo dhashay sedex Caruur isla markaana la xanuunsan dhaawac dhinaca Lugta ah oo markiisa horey ku bilawday Jab, isla markaana gaaray heer aan gudaha dalka waxba loogu qaban karin.

Hoyo Deeqo Maxamed Makaraan ayaa baraha Bulshada soo dhigtay Muuqaal damqasho lahaa kuna saabsan in ay la il-daran tahay xanuun dhaawac oo lugta ah, isla markaana aysan awoodin in caafimaad dibadda ah ay aado maadaama aan dalka waxba loogu qaban karin. Iyadoona muuqaalkaasi ku codsatay in caawinaad loo fidiyo.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho oo Muuqaalkaasi ka daawaday Baraha Bulshada ayaa durbaba amray in lasoo baadi goobo hooyadaasi isla markaana xafiiskiisa loogu keeno, taasi oo suura-gelisay in maanta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar la keeno.

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka XDS oo 25 Khawaarij ah ku dilay hawlgal ka dhacay gobolka Sh/Hoose

Guutada Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa hawlgal...

Wasiirka Waxbarashada Waxbarashada XFS oo shir caalami ah uga qeyb galay magaalada Paris

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax...

Ciidamada Qaranka iyo kuwa degaanka oo saakay weerar ku qaaday firxadka khawaarijta aagga deegaanka Ceelhareeri

Ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanka ee gobolka Hiiraan ayaa...

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macalin (Fiqi),...