Wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha XFS oo Maanta Booqday garoomada ciyaaraha ee ku yaala magaalada Muqdisho

Date:

Wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud oo ay weheliyaan agaasimaha guud ee Wasaaradda Mudane Cabdiraxiim Warsame Diiriye iyo Agaasimaha waaxda ciyaaraha ee wasaaradda Saacid Maxamed Xasan ayaa kormeeray garoomada ciyaaraha ee ku yaala magaalada Muqdisho.

Wasiir Maxamed Barre iyo masuuliyiinta wasaaradda ee la socday oo ay weheliyaan Injineero indho indhayn ku samaynaya sida loo horumarin karo garoomada ayaa booqdeen Muqdisho Stadium, Injineer Yiriisow, iyo Wiish.
Ujeedka kormeerka ayaa ahaa qiimayn guud iyo sidii loo dayactiri lahaa garoomada iyadoo qorshaha horumarinta xukuumadda ay wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha ugu jiraan horumarinta garoomada dalka.
bilaha hore ee sanadkan ayaa la filayaa in la qabto tartankii ciyaaraha dowlad goboleedyada iyadoo sanadkan lagu soo kordhiyay ciyaaraha kubadda kolayga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha SoDMA oo howla shaqo ku jooga dalka Pakistan oo booqday Hay’adda NDMA. 

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle...

Wasiirka Wasaaradda Teknoolojiyadda XFS oo ka qeyb galay shirka Golaha Wasiirrada Isgaarsiinta Carabta.

Magaalada Qaahira ee Dalka Masar ayaa martigelisay shir heer...

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo ka qayb galay Shirka Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Sare ee Qaaradda Afrika.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Baashe...

Wafdi heer sare ah oo ka socda Dowladda Jarmalka oo booqasho ku yimid Soomaaliya.

Wafdi heer sare ah oo ka socday Dowladda Jamhuuriyadda...