Wasiirka Waxbarashadda XFS oo kulan ah la qaatay madaxda warbaahinta Soomaaliyeed

Date:

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Farax Sheekh Cabdulqadir oo ay wehlyaan Agaasimaha guud ee wasaaraddaas iyo la-taliyaha Wasiirka ayaa xalay kulan casho sharaf ah la qaatay madaxda warbaahinta Soomaaliyeed.

Wasiirka iyo bahda warbaahinta ayaa halkaas isku weydaarsaday xaaladda warbarasho ee dalka iyo sida loo horumarin karo, warbaahinta dalkana qeyb uga qaadan karto wacyigalinta bulshada iyo in kor loo qaado heerka waxbarashada dalka.

Wasiir Faarax Sheekh ayaa ka codsaday madaxda warbaahinta in ay kala shaqeeyaan sidii waxbarshada bilaashka ah ee dowladda loo baahin lahaa, iyadoo tayeysan, isla markaana daahfuran.

Ugu dambeyntii Wasiir iyo bahda Warbaahinta dalka ayaa isku raacay in si wada lahaansho ah labada dhinacba ay uga wada shaqeeyaan sidii umadda Soomaaliyeed oo idil loo gaarsiin lahaa waxbarasho bilaash ah.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Gurmadka Abaaraha ee Dhuusamareeb oo ka warbixiyay halka ay marayaan howlaha gurmadka

Guddiga Gurmadka Abaaraha ee magaalada Dhuusamareeb ayaa ka warbixiyay...

Diinsoor oo ku soo baxday tartan cilmiyeedkii bisha Ramadaan

Degmada Diinsoor oo ka tirsan Gobolka Baay ayaa u...

Horjooge sare oo ka tirsanaa Khawaarijta oo la khaarijiyay

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya...

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed oo shacabka la wadaagtay ogeysiis muhiim ah

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (HDRS), ayaa shacabka Soomaaliyeed la...