Wasiirka Waxbarashadda XFS oo kulan ah la qaatay madaxda warbaahinta Soomaaliyeed

Date:

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Farax Sheekh Cabdulqadir oo ay wehlyaan Agaasimaha guud ee wasaaraddaas iyo la-taliyaha Wasiirka ayaa xalay kulan casho sharaf ah la qaatay madaxda warbaahinta Soomaaliyeed.

Wasiirka iyo bahda warbaahinta ayaa halkaas isku weydaarsaday xaaladda warbarasho ee dalka iyo sida loo horumarin karo, warbaahinta dalkana qeyb uga qaadan karto wacyigalinta bulshada iyo in kor loo qaado heerka waxbarashada dalka.

Wasiir Faarax Sheekh ayaa ka codsaday madaxda warbaahinta in ay kala shaqeeyaan sidii waxbarshada bilaashka ah ee dowladda loo baahin lahaa, iyadoo tayeysan, isla markaana daahfuran.

Ugu dambeyntii Wasiir iyo bahda Warbaahinta dalka ayaa isku raacay in si wada lahaansho ah labada dhinacba ay uga wada shaqeeyaan sidii umadda Soomaaliyeed oo idil loo gaarsiin lahaa waxbarasho bilaash ah.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Xoogga oo gacanta ku dhigay Maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijtii lagu jebiyay Degmada Ceeldheer

Ciidanka Xoogga Dalka oo gacanta ku dhigay Maleeshiyaad ka...

Ramla Cali oo Muqdisho lagu soo dhoweeyay kadib guulo ay kasoo hoysay feerka caalamiga ah

Ramla Saciid Axmed Cali, oo ah gabadhii ugu horreysay...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ka qeybgalaya shir heer wasiir oo ka socda Dooxa

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya,...

Dib-u-furista Xarumaha Diiwaangelinta Dadweynaha ee Gobolka Banaadir

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka & Soohdimaha (GMDQS)...