Ciidamada Amniga Beledwayne oo qabtay dhagar qabe aasayay Walxaha-qarxaha

Date:

Hay’addaha Ammaanka Beledweyne ayaa maanta gacanta ku soo dhigay,  dhagar qabe waxyabaha Qarxa ku asayay wadad xiririsa magaloyinka Beledweyne iyo Matabaan ee gobolka Hiiraan.

Ciidamada Amniga ayaa ku guulleystay in gacanta lagu soo dhigo ninka oo qalabka qarxa galinayay wadada marta deegaanka Bacda ee Waqooyiga Gobolka Hiiraan.

Dhagar qabaha ayaa waxaa la geeyay Saldhiga Taliska Booliiska magaalada Beledwayne, halkaasi oo uu ku wajahayo baaritaano dheeri ah.

Ciidamada Ammaanka oo kaashanaya Shacabka Soomaaliyeed ayaa markasta ka hortaga ficilada guracan ee Khawaarijta oo lagu jabiyay dagaalka, lagana qabsaday deegaanno badan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo Baydhabo ka daahfuray Shirka Madasha Arrimaha Bini’aadannimada

Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Taliyaha Qeybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor oo la kulmay saraakiisha Guutada 17-aad ee XDS

Taliyaha Qeybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor, Gaashaanle Sare Saahid...

Danjiraha Soomaaliya ee Burkina Faso oo Xoojinaya Iskaashiga Ganacsiga iyo Maalgashiga

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Burkina Faso, Danjire...

Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda WHO oo Xoojinaya Iskaashiga Horumarinta Caafimaadka

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...