Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Hon. Jabriil Cabdirashiid Xaaji oo uu wehelinayo Agaasimaha Guud Mudane maxamed Saney Dalmar , ayaa maanta guddoomiyey shirkii toddobaadlaha ahaa ee Wasaaradda oo looga hadlay dar-dar-gelinta howlaha shaqo iyo weliba sidoo kale daba-galka ballan-qaadkii wax-qabadka 2023 ee Wasaaradda.
Wasiir Jabriil oo warbixinno ka dhageystay qaar ka mid ah Agaasime Waaxeedyada, ayaa looga hadlay Barnaamijka Xog-kaydiyaha Ganacsiga Soomaaliya, diyaarinta siyaasadda iyo sharciga Wax-wada-lahaanshiyaha Dawladda iyo Ganacsiyada Gaarka ah iyo weliba sidoo kale warbixino la xiriira shirar hore u qabsoomay oo ku saabsan horumarinta Ganacsiyada yar-yar iyo kuwa dhaxe.
Shirka, ayaa sidoo kale looga hadlay warbixino ku saabsan isla-xisaabtanka shaqaalaha Wasaaradda oo maalmahii ugu dambeeyey lagu sameynaayey kor joogtayn la xiriirta joogitaanka iyo ku negaanshiyaha shaqada ee shaqaalaha maadaama Raโiisal Wasaaraha dalku uu ku dhawaaqay in isla-xisaabtan dhab ah lagu sameeyo shaqaalaha kala duwan ee ka hawl gala hayโadaha dawladda.