Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oomaanta daahfuray Munaasabad lagu soo bandhigayay Qorshahaha Waxbarashada Gobolka Banaadir ee 2022/2026.

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta daahfuray Munaasabad lagu soo bandhigayay Qorshahaha Waxbarashada Gobolka Banaadir ee 2022/2026.

Munaasabadaan waxaa goobjoog ka ahaa Wasiir Dowlaha Wasaarada Waxbarashada ee XFS, Xildhibaano ka tirsan Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha Bulshada Gobolka, Xoghayaha Guud ee Gobolka iyo Marti Sharaf kale.

Agaasimaha Waxbarashada Gobolka Banaadir Maxamed Yuusuf Nuur ayaa ka warbixiyay Qorshaha Horumarinta Gobolka Banaadir ee Sanadaha soo socda.

Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada Gobolka Banaadir Cabdicasiis Cismaan Maxamed ayaa ka codsaday Wasaarada Waxbarashada iyo hey’addaha deeq bixiyaasha ah in ay maamulka Gobolka ku garab istaagaan horumarinta Waxbarashada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...