Shil baabuur oo ay dad badan ku dhinteen oo ka dhacay Uganda

Date:

Ugu yaraan 16 qof ayaa ku dhimatay, kadib markii bas rakaab ah uu jiiray gaari xamuul ah, subaxnimadii Jimcaha wadada weyn ee Uganda ee isku xirta caasimadda Kampala, iyo magaalada waqooyiga ku taalla ee Gulu.

 

Booliiska ayaa sheegay in 12 qof ay isla goobta ku dhinteen, halka afar kalena ay ku dhinteen markii dambe isbitaal.

 

Dhowr qof oo kale oo safar ahaa oo baska saarnaa, ayaa ku dhaawacmay.

 

Gaariga xamuulka ah, ayaa la sheegay in la dhigey oo uu rarnaa meel qiyaastii hal kilo mitir u jirta Kamdini Corner – oo ah goob caan ah oo ay maraan, isbaaro ciidanna ay taallo, oo dhacda waqooyiga dalka.

 

Todobaadyadii u dambeeyay, ayaa waxaa dalka Uganda ka jiray walaac aad u weyn, oo ah dhibaatooyinka dhimashada ee waddooyinka gaar ahaan xilliyada ciidaha.

 

Warbixin uu soo saaray booliiska taraafikada horraantii toddobaadkan, ayaa lagu sheegay in 104 shil baabuur la diiwaan geliyay, intii u dhaxaysay 30kii Disembar, illaa iyo iyo 1-dii Janaayo ee sanadkan 2023-ka.

 

Ugu yaraan 35 qof, ayaa ku dhintay shilalkan waddooyinka oo keliya.

 

Shilalka waddooyinka, ayaa ah dhib muddo dheer dalka Uganda ka jiray. Booliiska taraafikada, ayaa diiwaan geliyay in ka badan 4,000 oo shil, oo ka dhacay dalka Uganda sanadkii 2021-kii, qaar badan oo ka mid ahna waxaa ku dhintey dad.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo xarigga ka jaray Xarummo muhiim u ah Galmudug 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Danjire Jibriil oo furay tartanka Lady Justice Joyce Aluoch ee lagu qabtay Jaamacadda USIU-Afrika

Danjire Jibriil Ibraahim Cabdulle ayaa lagu martiqaaday inuu furo...

Masuuliyiin ka tirsan Hirshabelle oo kormeer dhiirrigelin ah ku tagay deegaanka Xaaji Cali

Masuuliyiin ka tirsan Dowlad-goboleedka Hirshabelle ayaa gaaray deegaanka Xaaji...

Maxkamadda Ciidamada oo xukun dil ah ku fulisay laba xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta   

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa xukun dil ah ku...