Dhaawacyada 28 Ruux oo la soo gaarsiiyay Muqdisho.

Date:

Magaalada Muqdisho ayaa la soo gaarsiiyey 28 qof oo qaba dhaawacyo kala duwan kuwaas oo ka mid ahaa dadkii saaka Khawaarijta Al-shabaab ku qarxisay degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Hey’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka iyo Taliska Xoogga dalka ayaa iska kaashaday soo qaadista dhaawacyada iyaga oo fulinaya Awaamiirta Madaxda Qaranka.

Argagixisada oo looga adkaaday Fagaarayaasha Dagaalka oo hataan naflacari ah ayaa beegsanaya dadka rayidka,iyadooo Dowladda ka go’antahay in ay talaabo adag ka qaado khawarijta caadeysatay dhibaateynta Shacabka.

Xildhibaano,masuuliyiin katirsan gobolka Banaadir,Hey’adda Maareyta Masiibooyinka Qaranka ayaa dhaawacyada kaga hortagay Garoonka Diyaaradaha Aadan cadde.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Hawlaha Guud XFS oo safar shaqo ku jooga Nairobi ayaa la kulmay madaxda Bangiga Aduunka

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta...

Xamarweyne,Boondheere iyo Shibis oo saakay looga dareeray diiwaangelinta codbixiyaasha

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka gaar ahaan Degmooyinka Xamarweyne,...

Safiirka Soomaaliya ee dalka shiinaha oo Ka Qayb gashay Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Luqadda Shiinaha

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha, Dr. Hodan Osman...

Ciidanka Daraawiishta Puntland oo fashiliyey weerar khawaarijta Daacish ku soo qaadeen fariisimo Ciidanka ku lahaayeen buuraha G/Bari

Ciidanka Daraawiishta dowlad gobolleedka Puntland ayaa aroornimadii hore ee...